Ururka aqoonta ee Ibn Rushd (Somaliska)

Ururka aqoonta ee Ibn Rushd (Somaliska)

Waxbarashada dadwaynaha iyadoo diirada la saaraayo caqiidada, xuquuqaha iyo kala duwanaanshaha

Ururka aqoonta ee Ibn Rushd wuxuu rabaa in uu noqdo ilo waxbarasho dadweynaha kaas oo safka hore ee kaga jirta horumarka bulshada iyadoo diiradda la saaraayo caqiidada, xuquuqaha iyo kala duwanaanshaha. Ibn Rushd waa urur samofal kaas oo aan xisbi siyaasadeed ku tiirsaneyn. Waxa uu Ibn Rushd isagoo nidaamka waxbarashada dadweynaha soo maraaya qabanqaabiyaa hawlo waxbarasho- iyo dhaqameed. Ibn Rushd waxa uu ka shidaal qaataa mabaadiida diinta islaamka ee ah faafinta caddaaladda, muujinta midnimada, helitaanka xorriyadda bini aadmiga, soo dhaweynta kala duwanaanta, u dooditaanka talo bixinta iyo u ololeynta kulamada/shirarka.

Waxaan inay qiimo leedahy u aragnaa abuurista shabakadaha bulshada rayidka ah, si ay hay’adaha dawlada iyo daneeyayaasha kale uga qaybqaataan isbedelka wanaagsan ee bulshada dhexdeeda.

Ibn Rushd waxa uu u furan yahay qof kasta isagoo waxqabadyo ka sameeya dhamaan Iswiishan oo dhan. Waxaanu rabnaa in aan ka shaqeyno sidii aan u suggi lahayn dimuquraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha oo aanu si firfircoon uga shaqeyno xoojinta aqoonsiga muslimiinta iswiidhishka ah. Iyadoo waxbarashada dadweynaha aanu aalad ahaan u isticmaalayno ayaynu ka qab gali karnaa doodaha bulshada, aanu soo saari doonaa qoraalo waxbarasho, iyadoo aynu qaban doono aqoon isweydaarsiyo waxaalo badan oo kala duduwan lagaga hadlaaya, goobo waxbarasho iyo bandhigyo dhaqameed. Taas waxaanu wadajir ula samayn doonaa ururadayada xubin ka ah.

Ururka kobcinta aqoonta ee Ibn Rushd waxa uu si firfircoon u taageeraa oo uu fursadaha ugu abuuraa si ay dadku iskugu urursadaan jaaliyado iyo ururo ahaan. Kooxaha sida gaarka ah loo xaqiro/yaso ayaa la dhisayaa iyadoo la siinaayo fursadaha ay isku abaabulaan. Sida qaybta ka ah barnaamijkayaga dimuqraadiyadeed, waxaanu taageernaa ururradeena iyo kaqeybgalayaasheyada iyada oo la soo maraayo waxbarasho, maalgelin iyo hanuunin si loogu suurtogeliyo ka qaybgal firfircoon oo bulshada iyo sidoo kale in loo suurtogaliyo abaabulida ururinta kooxaha sida gaarka loo xaqiro.

Ibn Rushd waa mid ka mid ah toban urur oo waxbarasho oo dalka Iswiidan ku yaala kuwaas oo maaliyad dawladeed oo loogu talogalay ururrada waxbarashada dadweynaha hela. Waxaanu usoo jirney si urur madaxbannaan oo maalgelin dowladu xaq u leh ilaa iyo 2008-dii. Xiligaas kadib ayaanu ka sii weynaanay oo aan ururadayada xubnaha ka ah la horumarinnay hawlahayaga waxbarashada dadweynaha.

Aragtida Ibn Rushd

Aragtida Ibn Rushd waa inay muslimiintu door buuxda ku yeeshaan Iswiidhan. Waxaan ku dadaalnaa inaan noqono hawl-wadeen awood leh oo lagu kalsoon yahay oo bulshada demoqraddiyada ah ee Iswiidhan ka mid ah. Waxaanu dooneynaa inaan ka qayb qaato sidii loo dhisi lahaa bulsho caddaalad leh oo diiradda la saaraayo xuquuqda aadanaha iyo ka hortagga midab-takoorka kaas oo saameeya dhammaan kooxaha laga tirada badan yahay iyo kuwa la takooro.

Ibn Rushd wuxuu rabaa inuu abuuro isfaham ka weyn, ixtiraam iyo dulqaadka dadka dhexdiisa iyadoo la soo maraayo dhaqamada iyo waxbarasho dadweynaha.

Xidhiidhka

Miyaad dooneysaa inaad wax dheeraad ah ka ogaato ama inaad ka qayb qaadato waxqabadkayaga? Ku soo dhawo inaad nala soo xidhiidho!

Ibn Rushds degaanka Norr (Gävleborgs, Jämtlands, Västernorrlands, Västerbottens iyo Norrbottens län) norra@ibnrushd.se

Ibn Rushds degaanada Mitt (Dalarnas, Västmanlands, Södermanlands iyo Örebro län) mitt@ibnrushd.se

Ibn Rushds degaanka GSU (Gotland, Uppsala iyo Stockholms län) gsu@ibnrushd.se

Ibn Rushds degaanka Östra (Östergötlands, Jönköpings, Smålands, Kronobergs iyo Kalmar län) ostra@ibnrushd.se

Ibn Rushds degaanka Västra (Västragötalands län, Värmlands län, Hallands län) vastra@ibnrushd.se

Ibn Rushds degaanka Södra (Blekinge län, Skåne län) sodra@ibnrushd.se

Ibn Rushds förbundsexpedition  info@ibnrushd.se